Kulankii Ergada Ethiopia & Garaadada Gobolka Sool maxaa ka soo baxay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya Wadahadalo ay lahaayeen Odayaasha Dhaqanka SSC iyo Ergo kasocda Dalka Ethiopia ayaa xalay goordambe soo dhamaaday, Labada dhinac ayaa ka hadlay dagaalka gobalka Sool…

Kulankaan oo ahaa mid Ergada Ethiopia ay ku dhageysaneysa dhinacyada ku dagaalamaaya magaalada isla markaasna xabada loo joojin lahaa, waxeyna Isimaddu u sheegeen in duulaan lagu soo qaaday, magaaladooda la burburiyey si kasta walina weerar lagu yahay- iyagu aysan marnaba weerar aheyn, magaalada ay difaacanayaan dadka degaanka oo aysan Argagixiso joogin.

Waxay beeniyeen in Xoogaga Maamulka Muuse Biixi aysan dhaqan gelin xabadjoojin, iyagoo sheegay in Dadka Degaanku iska difaaceen 8 weerar oo ay kusoo qaadeen magaalada Laascaanood, Xoogagaan ayaa Kaabayaasha bulshada ka burburiyey (Isbitaalka dhammaan qeybihiisa, xarumihii danta guud, Korontada oo shaqaalaheedii la afduubay, qaar la dilay qalabkiina la bililiqeystay).

Waxeyna Ergada hordhigeen in nabad iyo xabadjoojin ku imaanayso in Xoogaga hubeysan ee Somaliland lagu celiyo xadkoodii, lagana saaro Gobolka Sool, sidii ay soo saareen 6-dii bishii Feb-2023, maalinkii dagaalku bilowday.

245040cookie-checkKulankii Ergada Ethiopia & Garaadada Gobolka Sool maxaa ka soo baxay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com