Miisaan & Maqaam ma Leeyahay Shirka Gaajada ee London uu Madaxweynaha Ku Metelaayo..

Somalia news

Kadib markii uu Madaxweynaha Somalia uu Safar hal maalin ah ku tegay Dalka Burundi, waxaa u qorsheysan inuu Safar kale ku tago magaalada London ee Boqortooyada UK, halkaasoo lagu wado inuu uga qeyb gali Shirka Gaajada Aduunka, Maaqam iyo Miisan ma u leeyahay Madaxweynaha…

Xogaha ayaa tilmaamaya in Shirkaasi ay si wadajir ay u wada gudoomin doonaan (Xasan) iyo Ra’isalwasaaraha UK, Shirkaasi oo ku suntan Gaajo, waana sababta ay Gudoonka wax ugu yeelatay, Dalalka kale ee Saboolka ah Madaxdoodu ee Africa ayaa ka cudur daartay maadama maqaam iyo Miisaan ahaan in lagu sawiro Calaamada Gaajada oo waxayna u wakiishadeen Wufuud Darajadoodu hooseyso.

Ayaan darro Dalka Somalia Hogaankeena, ayaa is-gaynaya goobtaasi oo waliba Gudoonka Gaajada noqonaya, iyadoo Safarkaasi kadib Mr.Gurgurte, waxaa lagu wadaa inuu ku soo laabto magaalada Mogadishu, kadibna wuxuu u socdaali doonaa Tanzaania iyo UAE, dhamaan Safaradaan, waxaa ku matali karay Somalia Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ama Wasiiro iyo Agaasimayaasha Guud.

287740cookie-checkMiisaan & Maqaam ma Leeyahay Shirka Gaajada ee London uu Madaxweynaha Ku Metelaayo..