Kenya Oo Shaacisay Qorshe-Amaan Oo Hirgelineyso W/Bari

Somalia news

Maamulka Uhuruu ee Kenya ayaa shaac ka qaaday qorshe balaaran oo ay sheegeen iney dhowaan ka hirgelinayaan si looga hortago amaan darrada Degaanada Gobolada Soomaalidu degto Ee Waqooyi Bari Kenya…

Xogtaan ayaa sheegtay in Xoogaga Amaanka Kenya ay bilaabeen Howlgalo balaaran oo hub ka dhigis lagu sameynaayo Dadka rayidka Ee ku nool 4-da Gobol Ee Maamul Waqooyi-Bari Kenya, si wax looga qabto dhibaatada amni darro oo sanooyinkii ugu dambeeyay hareeyay degaanadaasi.

Amni darrada Gobokada Soomaalida ayaa la sheegay iney galaafatay Noloshada Soomaali badan halka qaar kale ay ka barakaceen degaanadii ay ku noolaayeen, waxaana la sheegay in Maamulada Wajeer, Mandheera, Gaarissa iyo Isiolo, laga bilaabay Howlgalo hub ka dhigis ay hormuud ka yihiin Ciidamada Boliiska Kenya.

Degaanada Soomaalida ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxey marti u noqdeen falal la xiriira kooxaha argagixisada ee Shababka Iyo dagaalo beeleedyo ka dhaca xuduudaha degaanada kor ku xusan, waxaana lagu sababeeyay dagaaladaasi dhul-daaq-simeedka iyo Biyaha,

88220cookie-checkKenya Oo Shaacisay Qorshe-Amaan Oo Hirgelineyso W/Bari