Ma Dhabaa in Kheyre Dhaqaale looga Dhacay Magaalada Nairobi

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa muujineysa in Mr.Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaarihii hore ee Maamulka Farmaajo ayaa la sheegay in safar deg deg ah uu maalmo ka hor ku tagay Magaalada Nairobi si uu u ceymiyo wixii ka haray Dhaqaale buuran oo laga dhacay…

Xogtaan ayaa sheegtay in Mr.Kheyre uu mudooyinkii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii uu kuraasta Beeshiisa u boobi lahaa isla markaasna u soo xulan lahaa xubno isaga taabacsan ayaa la sheegay dhaqaale buuran oo Shacbiga uu ka dhacay looga dhacay magaalada Nairobi, waxaa la sheegay in koox danley ah oo isugu jira Somali-Kenyan iyo Sawaaxili.

Mr.Kheyre ayaa horey ugu lahaa meheredo Ganacsi oo isugu jira Dhismayaal guri, Maqaayado iyo Shirkado ceymis ee Gaadiidka & Guryaha, Dhaqaalahaan ayaa waxaa ka mas’uul ahaa Qareen lagu magacaabo Aadan Da’uud iyo shaqsi kale oo Kheyre ay qaraabo yihiin, Lacagtaan ayaa taalay dhowr Bangi, waxaana ku qornaa dad ehel hoose ay yihiin Mr.Kheyre, wuxuuna ka codsaday Odayaasha Beelaha Murusade iyo Dagoodi iney arrintaan dhex galaan xal deg deg ahna ka keenaan.

167220cookie-checkMa Dhabaa in Kheyre Dhaqaale looga Dhacay Magaalada Nairobi