Kenya Oo Wakiil U Magacaawday Xafiis Ay Ka Furaneyso Hargeysa

Somalia news

Maamulka Uhuruu ayaa u soo magacowday Wakiil iyo Howlwadeeno kuwaasoo hoggaamin doona Xafiis ilaaliya danaheeda (Liaison Office) oo Dalkaasi ku yeelanayo Magaalada Hargeysa ee Somaliland, kaasoo la filayo in xariga laga jaro dhawaan…

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya 2-dii bishan September, ayaa lagu sheegay in Dowladda Kenya xafiiskooda Hargeysa u magacowday Afar dibloomaasi oo isugu jira Madaxa Xafiiska iyo ku-xigeenkiisa iyo laba sarkaal oo qaabilsanaan doona hawlaha Maamulka iyo Maaliyada Xafiiska.

Waa Dowladii 3-aad ee Xafiis gaarsiisan heer Qunsuliyadeed ka furta Magaalada Hargeysa, iyadoo ay horey u furteen Dowladaha Djibouti, Ethiopia, sidoo kale Maamulka Taiwan ayaa xafiis uga furan yahay Magaalada Hargeysa inkastoo aysan wax Aqoonsi ah Dunida inteeda kale.

139490cookie-checkKenya Oo Wakiil U Magacaawday Xafiis Ay Ka Furaneyso Hargeysa