Shariifka Oo Kulan La Qaatay Kheyre & Fahad

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay Kulan qarsoodi Oo Magaalada Mogadishu ay ku yeesheen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarhii hore Xasan Cali Kheyre iyo Eedeysane Fahad Yasin, Kulankaan oo la sheegay inuu daba socday mid ka dhacay Magaalada Istanbul…

Kulankaan ayaa la sheegay in ujeedada laha leeyahay uu ahaa sidii Isbaheysi u sameysan lahaayeen Xubnaha magacyadoodu kor ku xusan yihiin, isla markaasna Iskaashigaasi loogu difaaci lahaa Eedaha loo heysto Fahad Yasin Oo intii xilka hayay NISA galay Gabood falo u geystay Tiro Saraakiil ka tirsan Hey’adda Nabadsugida.

Kulankaan ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay Qorshe uu xilka iskaga casilaayo Hogaanka Midowga Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed, iyadoo Kulanka kadib la sheegay in Fahad Yasin uu Dhaqaale dhan 100,000 US$ Ku wareejiyay Shariif Sheekh Axmed waxaana dhaqaalahaasi lagu sheegay inuu bixiyay Nin Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxman Jumcaale, waxaana loogu tala galay Shaqaalaha ololaha Doorashada.

146210cookie-checkShariifka Oo Kulan La Qaatay Kheyre & Fahad