Kooxaha Mucaaradka oo Deni & Qoyskiisa ku Eedeeyay “Ku Daneysiga Hantida Shacbiga”

Somalia news

Madasha Siyaasada oo War saxaafadeed ay soo saareen daaha kaga rogay eedeyn culus oo ay u jeediyeen Madaxweynaha Puntland & Qoyskiisa iney ku ‘Daneysanayaan Awooda Dowladnimada iyo Hantida Shacbiga, waxeyna ka digeen musuqa xargo goostay la joojiyo..

Kooxahaan ayaa cod dheer ku weydistay in la soo bandhigo Mashaariicda hormarineed ee lala galay heshiisyada qarsoodiga ah ee wadaagta ah ee Shirkadaha Shisheeye la soo bandhigo oo wax la iska weydiiyo, waxeyna ugu baaqeen Golaha Baarlamaanka inuu soo fara geliyo boobka socda.

Mr.Dani ayaa lagu eedeeyay in Qoyskiisa si dhow uga dhex muuqdaan Mashaariicda iyo ilaha dhaqaale sida macaashka Qaadka, iyadoo Cabdirabi Cabdulaahi Nuur oo Madaxweynaha ilmo adeer yihiin uu Agaasime ka yahay Ciidamada Badda kuna lug leeyahay Shirkadaha ka kaluumeysta sida sharci darrada ah xeebaha Puntland.

Sidoo kale Xasan Cabdullahi Dani oo ay Wakaalo yihiin Mr.Dani iyo Wiilkiisa Cabdulahi Saciid ayaa lagu tilmaamay Mulkiilayaasha Mashaariicda Hormarineed halka Maareeyaha Dekada Maxamed Yuusuf Madoobe iyo laba kale ay seediyaashiis ay gunnoyin ku qaataan La-Taliyayaal, sidoo kale Maxamed Xiddig oo dhawaan soo qalin jebiyay loo magacaabay Agaasimaha guud ee Caafimaadka Puntland.

239690cookie-checkKooxaha Mucaaradka oo Deni & Qoyskiisa ku Eedeeyay “Ku Daneysiga Hantida Shacbiga”
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com