Xiisadaha Ka Dhashay Koronto La’aanta Xarumaha Dowladda

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in shirkad Koronto oo ku taala magaalada Beladweyne ay korontada ka jaratay xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan, Xarumaha Amaanka iyo Xabsiga magaalada, kadib markii ay iska bixin waayeen lacag ka badan 300 oo kun oo dollar oo ah oo ah deymo ku haray illaa 2012-kii….

Maamulka Gobolka oo isu diyaarinaaya soo dhoweynta Cali Guudlaawe ayaa sla sheegay iney la heshiiyeen shirkad kale ee Koronto kadib maalmo ay Koronto la’aan ahaayeen, waxaase wali koronto la’aan labada xarun ee kale.

Maamulka Shirkadda Korontada ayaa ka cabanaya inay dareemayaan rajo xumo ay ka qabaan in ay helaan dhaqaalaha kaga maqan maamulka HirShabeelle.

Gobalka Hiiraan waxa uu ugu horreeyaa gobalada ugu dhaqaalaha badan Somalia. Waa marinka isku xira goballada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Dalka, waxaana maalintii gaadiidka mara laga qaadaa lacag ku dhow 40 kun oo dollar.

75310cookie-checkXiisadaha Ka Dhashay Koronto La’aanta Xarumaha Dowladda