Khataraha ku Gedaaman Doorashada Waqooyiga Somalia & Saadasha…

Politics Somalia news

Waxaa Saakay Shacbiga Waqooyiga Dalka Somalia u dareereen goobaha codbixinta ee  doorashada Madaxweynaha iyo kan Ururada siyaasada, Waana markii 4-aad ee Shacabka degaanadaasi ay Madaxweyne ku doortaan codkooda iyo Sidoo kale waa markii saddexaad ee Shacabku u codeeyaan ururada siyaasadeed si loo helo saddex xisbi oo dalku yeesho sida uu qabo Dastuurka Maamulkaasi..

Qiyaastii dad ka badan hal milyan oo Qof ayaa qaatey kaararka codbixinta, sida laga soo xigtey Komishanka doorashooyinka. Sida laga bartey doorashadii hore 2017 oo ka qaybqaatayaashu ay gaarayeen 80%,  waxaa la qiyaasayaa in ka qaybqaatayaashu aysan ka badan doonin 80%. Codadka ugu badan ayaa laga diiwaan geliyay Degmada Hargeysa.

Natiijada doorashada ayaa la ogaan doonaa isla habeenimada Arbacada haddii aysan dhicin cilado kale, Madaxweynaha waxaa ku tartamaya musharixiinta saddexda xisbi qaran ee hadda jira kuwaas oo kala ah:

  1. Muuse Biixi Cabdi  Xisbiga Kulmiye
  2. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Xisbiga Waddani
  3. Faysal Cali Waraabe (Xisbiga UCID)

Doorashada Somaliland horey ayaa laga gartaa cidda guushu raaci karto, waxaana lagu kala baxaa doorashada ka hor, waxay ku xiran tahay isbahaysiga ay beeluhu samaysteen kuwaasoo danahooda ka heshiiya.

Degaanada Doorashada ka Maqan

Gobolka Sool iyo Degmada Buuhoodle ayaa sandakaan harsanaaya Calanka Qaranka Somalia iyo kan Mamulla SSC-Khaatumo, doorashada Somaliland laga dareemi maayo degaanadadaani iyadoo horey ay uga dheceen doorashooyinkii 2010, 2012 iyo 2017, inkastoo Dagaal dhiig badan ku daatay uu dhex maray Xoogaga Degaanka iyo Maleeshiyaadka Beesha Dhexe, ku darsoo Bariga Gobolka Sanaag ayaa sidoo kake doorasho ka dhici doonin sababo la xiriira Dagaalka Gobolka Sool.

Saadaasha Doorashada

Doorashadan waxaa si weyn loo saadaalinayaa Musharaxa Xisbiga Waddani inuu si fudud ku guuleysto waa Cabdiraxmaan Cirro, waa Siyaasi ku nool Dalka Finland isaga iyo Faysal Cali Waraabe Maamula Xisbi Beeleedka UCID sanadkii 2001, Waxaa la aaminsan yahay in xisbiga UCID uu meesha ka bixi doono markii u horreysey oo taariikhdiisaba la soo afjari doono.

Labada Xisbi ee sida weyn loo saadaalinaayo in ay kaalinta saddexaad ku soo  baxaan ayaa kala ah  Urur siyaasadeedka KAAH oo saldhigiisa ugu weyn ay tahay magaalada Burco iyo Urur siyaasadeedka Barwaaqo oo saldhigiisa ugu weyn uu yahay magaalada Boorame , waxaana ay ku xiran tahay midka codka badan hela labadooda.

349480cookie-checkKhataraha ku Gedaaman Doorashada Waqooyiga Somalia & Saadasha…