Odayaasha Sh/Dhexe Oo Culeys Saaray Musharax

Somalia news

Macluumad hordhac ah ayaa laga helayaa wada hadal hoose oo u dhexeeyay Odayaasha Dhaqanka iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka Sh/dhexe ayaa culeys ku saaray Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, inuu ka haro Musharaxnimada xilka madaxweynaha maamulkaas, maadama ay u sheegeen inuu culeys ku yahay Hanan qeybsiga Beelaha degna Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Mr.Cali Guudlaawe oo hadda kulamo ka wada magaalada Muqdisho ayaa cadaadiska ugu xooggan kala kulmaya Beesha uu ka soo jeedo ee Abgaal oo ku heysata inuusan waxba soo kordhin mudadii uu xilka hayay marka laga reebo inuu masuq maasuqay hantidii ummadda iyo waliba wax kasta oo la wada lahaa.

Odayaal ku heyb ah oo Muqdisho kula kulmay ayaa kula taliyay inuu doorashada isaga haro, islamarkaana uusan dhibaato u noqon ummadda reer Hirshabeelle, waxeyna u sheegeen in Khiyaanada iyo dabinada laga soo maleegay Villa Somalia ay ujeedada ka dambeysa ay tahay sidii khilaaf cusub looga dhex abuuri lahaa Beelaha ku bahoobay Hir-Shabelle

Madaxweyne ku-xigeen Cali Guudlaawe ayaa hadda quudareynaya inuu isku soo sharxo madaxweyne, iyadoo la ogyahay in xilka madaxweynaha u xiran yahay Beesha Xawaadle, wuxuuna damaca Cali Haddii uu hirgalo keeni karta colaad iyo kala fogeyn ummadda reer Hirshabeelle, taasoo caqabad ku noqon karta qaab dhismeedka maamulka ee mudada lagu soo tacab iyo tiir beelay.

61240cookie-checkOdayaasha Sh/Dhexe Oo Culeys Saaray Musharax