Siyaasiga C/Cabdishakuur Oo Naqdiyay Siyaasada Rooble & Farmaajo

Somalia news

Musharaxa Xilka Madaxweynaha ee Somalia Mr.Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa si adag u naqdiyay Siyaasada qar iska tuurka Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta (Rooble), isagoo ku eedeeyay inuu u dhego nuglaayay Maamulka Dooxa, isla markaasna uu xaqeedii duudsiiyay Sarkaaladii NISA..

Mr.Cabdishakuur ayaa sheegay “ Waxaa lagu aaminay (Rooble), isaguna balanqaaday inuu qabanaayo Doorasho xalaal ah, isagoo Shacbiga Soomaaliyeed ka ballanqaaday inuu Kiiska Ikraan Tahliil Cadaalad u raadinaayo wuxuu Guddi u saaray Dhalinyaradii afduubka dhaqaale loogu heysto Eritrea Oo Waalidiinta War iyo Wacaal u heynin”.

Isagoo ku eedeeyay Farmaajo iyo Rooble iney Terminaal khaas ah loo xiray Diyaaradaha Qatar airway, Turkish Airlines iyo diyaaraadaha ka yimaada Dalka Eritrea, isagoo ka digay in Qorshaha gacanta loogu gelinaayo Kooxaha Argagixisada iney si fudud u qabaa wadaan Caasimadda Magaalada Mogadishu, kadib markii Golaha Amaanka ay diideen qorshaha Joogitaanka Ciidamada Amisom, isagoo ka digay in Volkaanaha cabursan Ee ku dhisan Dulmiga, Cadaalad darrada ku tagri Falka awooda iyo Hantida Shacbiga iyo ku tumashada Xuquuqda Muwaadinka uu qarxi doono.

152140cookie-checkSiyaasiga C/Cabdishakuur Oo Naqdiyay Siyaasada Rooble & Farmaajo