Maxaa Dowladda Ka Hortaagan iney Xadidaan/Xanibaan Shaqada Sim-cards Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka

Somalia news

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay Digniino iyo hanjabaado ay soo jeedinaayeen Madaxweynaha Iyo Wasiirada Dowlada Federaalka qaarkood kuwaasoo digniino u diraayay Ganacsatada, Shirkadaha iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xiriirka ama u yeeraan kooxda Argagixisada Shababka…

Xogo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Taleefonada Mobile-da iyo Sim-cards ayaa la rumeysan yahay iney ka qeyb qaataan/ fududeeyaan xiriirka, Dembiyada, uruurinta Dhaqaalaha iyo la macaalika kooxda argagixisada, taasoo laga maarmaan ka dhigtay Dowladaha Africa iyo kuwa Caalamka badankood iney adkeeyaan ama dhaqan geliyaan siyaasad lagu xakameynaayo qaadashada Simcards Mobila-da.

Maxaa Ka hortaagan Dowlada Federaalka iney yagleelaan ID-cards oo Casri ah:-

Ilaa hadda Waxey Dowladda Federaalka dhistay Hey’adaha (Dadsom iyo IND) Hay’adda DADSOM iyo Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia, Hey’adahaan ayaa la sheega iney kala madax banaan yihiin kana qeyb qaataan dhismaha ID iyo Baasaboorada kuwaasoo ilaa ka gaabiyay iney soo saaraan Dukumentiyo la isku haleyn karo iyo diiwaan-gelin Madani ah, xakameynta maamulka xuduudaha iyo isku xirka Aqoonsiga Qaranka.

Maxaa Dowlada ka hortaagan iney Xanibaan/Xakameeyaan Simcards

Inkastoo Shirkadaha Talefoonada ay gaar yihiin, hadana ma jirto Sharci ama nidaam diidaya in la xakameeyo Bixinta Simcards Talefonada, iyadoo ay fududahay in la xiro xogta iyo adeegyada Codka ee kaararka aan la xaqiijin iyo in Shiradaha lagu qasbo iney Kaararka diiwaan gekin adag iyo damaanad ku bixiyaan Simcards-ka.

Xogo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Shirkadaha Isgaarsiinta ay Biishiiba ku wareejiyaan Kooxaha argagixisada ilaa 4000-6000 Simcards cusub oo aan la diiwaan gelin, Xafiisyada Caasimada iyo Gobolada ayaana bixiya, talaabadaan oo ka dhigan iney qeyb ka yihiin Shirkadaha iney u fududeeyaan Kooxaha argagixisada la macaamilka Ganacsatada, Shirdakadaha iyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

219580cookie-checkMaxaa Dowladda Ka Hortaagan iney Xadidaan/Xanibaan Shaqada Sim-cards Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka