Khasaare Ka Dhashay Roob & Dabeylo Ku Hooray Puntland

Somalia news

Wararka hordhaca ee naga soo gaaraya degaanada bariga Puntland ayaa sheegaya in 24-kii saac ee ugu dambeeyay roobab xoogan ay ku hooreen, kuwaasoo geystay khasaare xoogan, iyadoo Degaanada qaarkood laga dareemayey saamaynta ay ku reebtay noolosha iyo hantida Shacbiga….

Degmooyin katirsan gobolada Bari, Gardafuu iyo Xaafuun oo dhammaan kuyaal bariga Puntland ayaa roobabku siweyn uga de’een waxaana kamid ah magaalada xeebta kutaal ee Xaafuun oo roobku si aad ah saamayn ugu yeeshay sida maamulka degmadu xaqiijiyey.

Ilaa saddex ruux oo Yemeniyiin ah ayaa ku geeriyoodey duufaanada uu watey roob lixaad leh oo ka da’ay deegmada Xaafuun sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha degmada Xaafuun, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadkii kale ee waxyeeladu soo gaartey.

Sidoo kale, Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa ah mid deggan kadib markii roob xoogan uu ka da’ayey saacadihii ugu dambeeyey, wuxuuna roobku saamayn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka, ganacsiga iyo guud ahaan dadweynaha.

Roobka oo aan dabayl wadan ayaa biyo badan geliyey magaalada Boosaaso, waxaana saaka go’an korontadii magaalada Boosaaso iyadoona qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso aan la geli karin kadib markii biyo badan fariisteen.

74170cookie-checkKhasaare Ka Dhashay Roob & Dabeylo Ku Hooray Puntland