Dhaca Hubeysan Ee Burcada Oo Aad Ugu Soo Badanaaya Magaalada Mogadishu

Somalia news

Warbixino amaan oo la soo gaarsiiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa muujinayaa in 3-dii todobaad Ee ugu dambeysay ay aad u sii kordheen dhaca Burcada hubeysan ay ka geysanayaan Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Benadir, iyadoo Ciidamada Amaanka lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen wax ka qabashada Burcada…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kooxahaan burcada ah ay Maalin iyo habeenba fuliyaan Dhaca Hubeysan, iyadoo muuqaal lagu baahiyay baraha Bulshada uu muujinaayo in Maalin cad ay laba nin oo hubeysan ay dhac ka geysteen dukaan lagu iibiyo Mobile-da, kaasoo ku yaal Isgoyska Zoobe ee Magaalada Mogadishu.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo iyo kan Gobolka ayaa la sheegay iney ka gaabiyeen wax ka qabtaan amaan darrada baahsan ee xiligaan kala guurka ah ka tagaan Caasimadda, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Qaar ka mid ah Ciidamada Amaanka ay ku lug leeyihiin falalka burcadnimada hubeysan.

126760cookie-checkDhaca Hubeysan Ee Burcada Oo Aad Ugu Soo Badanaaya Magaalada Mogadishu