Khilaaf U Dhaxeeya Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya in Khilaaf xooggan oo la xiriira xulista Xildhibaanada heer Federaal ee laga soo doorto Gobolka Sool, uu soo kala dhex galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cusman (Karaash)iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame…

Ilo wareedyo xog-ogaal ah oo diiday in  magacyadooda la xigto, ayaa waxay Warsidaha Diinah.con news u xaqiijiyeen in khilaafka labada mas’uul oo ku salaysan dano siyaasadeed, uu xaalad jaah-wareer ah ku keenay xulista xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Labada mas’uul, oo mid kasta doonayo inuu saamayn siyaasadeed ku yeesho xulista xildhibaannada heer Federaal, ayaa ku muransan hannaanka Awood-qaybsiga Beelaha deggan Sool iyo Buuhoodle, waxaana midba kan kale ku eedaynayaa in uu sed-bursi raadinayo.

Sidoo kale, waxa khilaafkoodu saameeyay xildhibaannada Puntland ee laga soo doorto Sool iyo Buuhoodle, kuwaas oo u kala jabay laba Garab, oo la kala safan Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka.

Waxa xusid mudan, in xiriirka Karaash iyo Ismaaciil uusan hagaagsanayn, tan iyo bishii Maarso ee sannadkan 2020, xilligaas oo ay ku murmeen magacaabidda Taliye ku xigeenka Madaxtooyada Puntland G/sare Cabdirisaaq Axmed Cali.

75570cookie-checkKhilaaf U Dhaxeeya Mas’uuliyiin Ka Tirsan Puntland