Safarka Wasiirka Gaashandhigga USA Ee Muqdishu

Somalia news

Macluumaad Dheeraad ah ayaa laga helayaa Safar qarsoodi ah oo maalintii Jimcihii aheyd oo aan horey loo shaacin ku yimid caasimada Somalia, Kusimaha Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Mr.Christopher Miller, isagoo kormeeray Xeryaha iyo Xafiisyada…

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Mr.Miller uu booqashadaan ku maray 4-Dal oo ay ku sugan yihiin ciidamada Maraykanka, xili ay xukuumada Maraykanka ee Trump sheegayaan inay ciidamadooda kala bixi doonaan wadamada Somalia, Ciraaq iyo Afghanistan.

Ciidamada Maraykanka ka jooga dalka Somalia ayaa lagu qiyaasay 700-Askari, kuwaasoo qeyb ka ah heshiiskii Maraykanka wax ka saxiixay ee shirkii London 2017 oo ay ku balanqaadeen inay tababari doonaan ciidamada Komandooska Somalia.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Maraykanka ku dhawaaqo tirada ciidamada ay kala bixi doonaan Somalia.

75600cookie-checkSafarka Wasiirka Gaashandhigga USA Ee Muqdishu