Ololaha Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo si Xowli ah Uga Bilaabatay Mogadishu

Somalia news

Todobada maalmood ee food nagu soo haysa waxaa magaalada Mogadishu ka bilaaban ololaha Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo laba garab ee isku haya dagaalka Siyaasada ay soo bandhigi doonaan Xubnaha ay u xusheen Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka 11-aad..

Garabka Isbaheysiga Mucaaradka:-

Garabkaan oo ay iskubaheysteen Midowga Musharixiinta inta badan, Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland, waxaana lagu wadaa iney taageeradooda isugu geeyaan Musharaxa Sheekh Aadan Madoobe, Madaxweynihii hore ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed uu xalay hoygiisa Magaalada Muqdisho ku booqday Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni si uu ugu qalqaaliyo in lagu taageero Musharaxa Sheekh Aadan Madoobe.

Garabka Taageersan Farmaajo:-

Inkastoo aan macluumaad badan laga heynin Qorshaha Kooxdaan, hadana waxaana shaki ku jirin iney Isku waafaqsan yihiin iney ku taageeraan Musharaxa Xildhibaan Xasan Cabdinur oo ka soo jeeda Konfur galbeed, iyadoo xalay ay wada qaabileen Farmaajo, Lafta gareen & Qorqor, waxeyna u muujiyeen iney taageero hiil iyo hooba la garab istaagi doonaan.

183760cookie-checkOlolaha Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo si Xowli ah Uga Bilaabatay Mogadishu
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com