Ma Dhabaa in Eng. Maxamed H. Rooble, oo loo Magacaabayo Ergey Sare Ee Madaxweynaha Somalia

Somalia news

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaaya, in Kulanka 3-geesood ah oo ka dhacay Villa Somalia looga arrinsaday in Ergay Sare loo xushay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Somalia, Maxamed Xuseen Rooble…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kulankaasi ay ka wada qeyb faleen Madaxweynaha, Wasiirka 1-aad iyo Ra’iisul wasaarihii hore, waxaana looga dooday magacaabista Mr.Rooble ee Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xogaha ayaa sheegaya in soo jeedinta xilkan in loo magacaabo Eng. Rooble ay katimid Ra’iisul wasaaraha, iyadoo uu soo dhaweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan la filayaa in maalmaha soo socda lasoo saaro wareegtada magacaabida ah Eng.Rooble ee Xilkan.

Mr.Rooble oo ay si adag ugu loolameen awoodda xulashada Xildhibaanada Madaxweyihii magacaabay Maxamed Farmaajo, ayaa door weyn ku lahaa inuu doorashadii 15-May uu ku guuleysto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

211510cookie-checkMa Dhabaa in Eng. Maxamed H. Rooble, oo loo Magacaabayo Ergey Sare Ee Madaxweynaha Somalia