Khilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Aloosan Rooble Iyo Xamza

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Wasiirka 1-aad Dowladda xilgaarsiinta iyi Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Khilaafkaan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo muran xoogan oo ka Maamulka Agaasinka Wasaarada…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Khilaafkaan uu salka ku hayo, iyadoo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Mr.Xamza Saciid Xamza uu soo saaray Qoraal uu Shaqada kaga joojiyay Agaasimaha Wasaarada kaasoo magaciisa lagu sheegay Isaaq Xaashi Jumcaale, iyadoo sidoo kale qoraal kale uu soo saaray Wasiiru Dowlaha Wasaaradaasi Mr.Maxamed Xaaji Ibraahim oo Shaqada lagu amray inuu sii wato.

Khilaafka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo mashruuc ay heyshay Wasaarada kaasoo dhaqaale badan ku baxaaya maalgelintiisa, waxaana la sheegay in Maqnaanshaha Wasiirka Dhalinyarada oo Cudurka COVID uu ku dhacay looga faa’iideystay, talaabadaasina ay horseeday inuu soo saaro amar ka Xilka looga qaaday Agaasimaha waxaana diiday Mr.Rooble.

98810cookie-checkKhilaaf Xoogan Oo Ka Dhex Aloosan Rooble Iyo Xamza