Ma Dhabaa In Xubin Ka Mid Ah Guddiga Baaraya Dhacdadii 19-kii Feb…

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa eedeyn loo jeediyay Xubin ka mid ah Guddiga Baaraya Dhibkii iyo Weerarkii 19-kii Bishii February lagu qaaday Hoteelka Maa’ida oo ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore, kuwaasoo isku diyaarinaayay iney ka qeyb galaan Banaanbaxyo….

Wararka hordhaca Ayaa sheegaya in Madaxa Nabadsugidda Gobolka Benadir G/Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Farey) lagu eedeeyay inuu warbixino been ah ka diyaariyay una gudbiyay Madaxtooyada Villa Somalia iyo Kaalinka NISA, Weerarkii lagu qaaday Hoteelka, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawacyba ay ka dhasheen weerarkaasi.

Shaqsigaan ayaa hadda Dowladda Federaalka guddi dhinaceeda ka socda u magacaawday, waana talaabo la doonaayo in wakhtiga lagu lumiyo, maxaa yeelay mid ka mid Eedeysanayaashii Ka mid ahaa abaabulka Weerarkaasi ayaa loo xil saaray inuu xal ka keeno, waana Ayaan darro in Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu Weli ku taagan yahay inuu marin habaabiyo baarista Dhacdadii 19-kii Feb-2021.

98840cookie-checkMa Dhabaa In Xubin Ka Mid Ah Guddiga Baaraya Dhacdadii 19-kii Feb…