Ma Dhabaa in Musharixiinta Ay Diideen Iney Tagaan Madaxtooyada

Somalia news

Macluumaad Dheeraad ah ayaa laga helayaa shir 2-aad oo qabanqaabadiisu xiligaan ka socota Hoteelka Decale Ee Garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, kaasoo u dhaxeeya Wasiirka 1-aad Ee Xil-gaarsinta Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharixiinta, kaasoo qorshuhu ahaa inuu ka dhacdo Madaxtooyada Villa Somalia….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Kulankaan uu dalbaday Mr.Rooble Wasiirka 1-aad, isagoo ku casumay Midowga Musharixiinta Kulan qado ah oo ay ku yeeshaan Gudaha Madaxtooyada, laakiin waxaa ka cudurdaartay Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta, talaabadaan ayaa horseeday in Kulanka loo wareejiyo Hoteelka Decale ee Mogadishu.

Wararka aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Hogaamiyayaasha Midowga Musharixiinta Kulankaasi Qadada ah ay diideen inuu ka dhacdo Xarunta Madaxtooyada sababo la xiriira xagga Amaanka iyo Caafimaadka.

Waxeyna ku adkeysteen inuu ka dhacdo Hoteelka Decale, iyagoo sidoo kale sheegay ineysan diyaar u aheyn in Raashin laga keenay Madaxtooyada lagu marti sooro, waxaana Kulankaan lagu dhameystirayaa Heshiiskii ay wada gaareen.

Sidoo kale Wakiilada Beesha Caalamka ayaa qorsheeyay in ugu dambeyntii la dhameystiro heshiiskii Guddiyada Doorashada ee ay ku gaareen Magaalada Baydhabo, iyadoo xafladaasi lagu qaban doono Xarunta Xalane, laguna dhawaaqo jadwalka Doorashada, waxaase ka horeeya in laga heshiiyo doorka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday oo xiligaan aan saameyn ku laheyn Wada hadalada.

98720cookie-checkMa Dhabaa in Musharixiinta Ay Diideen Iney Tagaan Madaxtooyada