Sanadihii ugu dambeeyay waxaa wakhti iyo dhaqaaleba sidii loo heli lahaa aragti lagu mideysan yahay oo wadar oggol ah oo lagu galo Doorashada, iyadoo rajadii u dambeysay ay Burburtay kadib Markii Mr.Farmaajo uu si cad u sheegay inuu Qabanaayo Doorasho Hal dhinac ah, talaabadaan oo dhabaha u xaari karta Jahwareer Siyaasadeed iyo gacan hadal….
Tan iyo bishii September ee kal hore, labada daraf ( Mucaarad iyo Muxaafid), waxeyna soo saarayeen digniino iyo Hanjabaado ku aadan Doorashooyinka, ilaa maantana ma muuqato mid ka tanaasulay Qorshihiisa xaaladaha qaarkood in lafuliyo la balanqaaday misna laga baxay, gaar ahaan Villa Somalia ayaa lagu Eedeeyay iney ka gaabiyeen Heshiiskii 17-September.
Hase yeeshee Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug oo jilaayay inuu yahay dhexdhexaad oo labada daraf u goobaaya heshiis is-afgarad ah ayaa ugu dambeyntii la soo baxay laba wajiilanimadii lagu eedeyn jiray, waxeyna talaabadaasi Dalka u horseeday hubti La’aan iyo cabsi dagaal sokeeye.
Hadda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa qamaarkii ugu dambeeyay la soo shir tagay, isagoo ergo ahaan u diray Madaxweynayaasha Hir-Shabelle iyo Konfur galbeed, iyadoo looga fadhiyo Mr.Farmaajo inuu fuliyo Balamihii uu qaadaay Ee ahaa Inuu Ciidamada Gobolka Gedo kala baxo, Xulista Wakiilada Somaliland iyo In Guddiyada Doorashada ee lagu mursan yahay laga dhigo kuwo la isla oggol yahay, Mr.Farmaajo xiligaan diyaar uma ahaan heshiis Ee wuxuuna doonayaa inuu wakhti ku lumiyo, isagoo muddo xileedkiisu ay ka dhiman tahay 28-maalmood.
“Somali Cidna uma maqna Ceelna uma Qodna”.