Doorashada Gudoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay  

Somalia news

Goor-dhoweyd waxaa Teendhada Afisioni si rasmi ah uga bilaabatay doorashada Gudoomiye kuxigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Golaha Shacabka, taasoo dhammeystir u ah Doorashada Gudoonka cusub ee Baarlamaanka 11-aad…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Musharixiin dhowr ah ay ku loolamaya xilka Gudoomiye Kuxigeenada 1aad iyo kan 2-aad, kuwaasoo ku kala bixi doono codadka xubnaha Xildhibaanada cusub.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa isku soo taagay 10 musharrax oo kala ah: -Xil Cabdikariin Abdow Xayder -Xil Cabdiraxmaan Cabduqaadi Cadde -Xil Khadiija Maxamed Diiriye -Xil Maxamed Cabdalla Axmed Maxamuud Xil Maxamed Cali Cumar (Caanonuug) -Maxamed Nuur Abuukar -Xil. Maxamed Cumar Cimow -Xil. Maxamuud Cabduqaadi Xaaji (Jeego) -Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji (Samatar) -Xil. Saciid Maxamed Maxamuud Xayd.

Halka Gudoomiye kuxigeenka 2-aad ayaa waxaa isku soo sharraxay  ilaa 7-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxayna kala yihiin:- -Xil.Cabdullaahi Cumar Abshir -Xil. Axmed Aadan Axmed -Xil Asad Cabdirisaaq Maxamed -Xil. Ayuub Ismaaciil Yuusuf -Xil. Mahad Cabdalla Cawad -Xil Maxamuud Xuseen Abuukar (Gaaraxo) -Xil.Saciid Maxamed Cali.

185620cookie-checkDoorashada Gudoomiye Kuxigeenada Baarlamaanka oo bilaabatay