Waxaa sii xoogeystay Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka 1-aad ee Dowladda Federaalka Mr.Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday Mr.Farmaajo kuwaasoo soo kala saaray Qoraal iska soo horjeeda, talaabadaan ayaa u muuqata mid wax u dhimeysa Hanaanka Dowladda, Geedi socodka Doorashada, Arrimaha Cadaalada iyo Amniga…
Iyadoo Qoraalka Farmaajo uu u muuqdo in tallaabooyinka uu qaadayo ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska IkraanTahliil Faarax oo horay Hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu wareejiyay.

