Rooble Oo Qorsheynaaya Inuu Xilka Ka Xayuubiyo Tiro Wasiiro Ah

Somalia news

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inuu ka fekeraayo sidii uu xilka uga Xayuubin lahaa tiro Wasiiro ah oo aad u taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, kuwaasoo ku toos uga amar qaata (Farmaajo iyo Fahad)..

Xogtaan Ayaa xaqiijisay in Wasiirada Maaliyada, Amniga, Arrimaha gudaha, Dibeda, Macdanta, Kaluumeysiga & Qorsheynta, Wasiiradaan ayaa toos ugu xiran Madaxtooyada Villa Somalia, waxaana la sheegay iney doonayaan iney kala dhantaalaan Shaqada Dowladda Federaalka, isla markaasna ay eedeymo u jeediyaan Mr.Rooble.

Mr.Rooble ayaa la sheegay inuu diyaariyay Liis cusub oo Xubnaha Dowladda Federaalka kuwaasoo la filayaa inuu buuxiyaan Wasiirada xilalka laga qaadaayo, Shacbiga Soomaaliyeed ayaa u dheg taagaaya sidii ay Cadaalad iyo Garsoor u heli lahaayeen Qoyska Ikraan Tahliil.

139600cookie-checkRooble Oo Qorsheynaaya Inuu Xilka Ka Xayuubiyo Tiro Wasiiro Ah