Rooble Oo Soo Farageliyay Boobka Theater-ka

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu amar ku bixiyay in laga noqdo ogolaanshihii Wasiirka Warfaafinta ee ahaa in maqaayad laga dhisayo dhul bannaan oo ku yaalla Tiyaatarka Qaranka, kaddib cabashadii iyo qeyla dhaantii maanta ka soo yeertay Hobolada Waaberi.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dube oo ku xiran Villa Somalia ayaa la sheegay inuu ka noqday ijaarka iyo Boobka Hantida Qaranka Ee maqaayada Theatre-ka Qaranka, kadib markii Halabuurka iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ay cabasho xoogan ka keeneen in 20-sano loo saxiixo Maqaayada Qurba joog iyo Ganacsato danley ah.

138100cookie-checkRooble Oo Soo Farageliyay Boobka Theater-ka