Khilaafka Rooble & Farmaajo Oo Saameyn Ku yeeshay Dagaalka Mudug & Siyaasada Dibeda

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Xil gaarsiinta Mr.Rooble intii Uu Xilka qabtay Waxaa aad u soo kordhaayay khilaafyada kala dhaxeeya Farmaajo iyo Fahad, iyadoo dul qaad La’aanta labadaan dambe ay horseeday in Taagewyaashooda Cayayaanka Baraha Bulshada (CBB), ay dacaayado iyo Warar been abuur ah faafiyaan….

Farmaajo iyo Fahad oo u geystay inuu Rooble yahay Siyaasi aan damac iyo awoodba u laheyn inuu Musharax noqdo, kuna shaqeeya awaamiirta iyo rabitaanka Farmaajo, ayaa ilo wareedyo loo qaateen ah sheegayaan in Mr.Rooble uu go’aansaday karo inuu noqdo Musharax Madaxweyne kaalin ka qaadan karo Hogaaminta hirgelinta Doorashada dadban.

Sida ay muujinayaan dhaqdhaqaayada Wasiirka 1-aad Ee xil gaarsiinta Mr.Rooble, wuxuu xiriiro la sameeyay Dalalkii Uu Farmaajo Xiriirka u jaray (Djibouti, Sacuudiga, UAE, Egypt iyo Kenya), isagoo ka muquurtay in Ethiopia iyo Eritrea ay kaalin ku yeeshaan Siyaasadihii Arrimaha Dibeda, Talaabadaan oo muujineysa in Me.Rooble uu dhisaayo Magaciisa iyo Cv-sa si u u xoojiyo Ololahiisa Siyaasadeed.

Dhanka kale Waxaa soo shaac baxaaya in dagaalka ka socda Gobolka Mudug uu saameyn ku yeeshay Khilaafka ka dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, iyadoo la xaqiijiyay in Farmaajo uu ku Amray 200 oo Ciidamada Gorgor oo qeyb ka ahaa Dagaalka ay dib uga soo baxaan kuwaasoo ku soo noqday Magaalada Dhuusa mareeb, waxaana Dagaalka ku soo haray Ciidamada Dowlad goboleedka Galmudug iyo Maleeshiyaadka Degaanka kuwaasoo Madaxtooyada Villa Somalia ka jartay Sanadkii iyo Sahaydii inkastoo uu Rooble u diray laba Diyaaradood Saanad sida aagaga Dagaalka.

136360cookie-checkKhilaafka Rooble & Farmaajo Oo Saameyn Ku yeeshay Dagaalka Mudug & Siyaasada Dibeda