Villa Somalia Oo Maalgalineysa Banaanbaxyo Ka Dhan Ah Ciidamada Amisom

Somalia news

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah uga socday Xafiisyada Madaxtooyada Villa Somalia qorashayaa dhan ka ah Ciidamada Amisom ee ka howlgala Dalka, waxaana abaabulkaasi oo laga maalgelinaayo Xafiiska La-taliyaha Amniga Madaxtooyada, iyadoo uu qeyb ka yahay Ugaaska Beesha Da’uud oo xiriir ganacsi la leh Farmaajo iyo Walaalkiis (Qaadka)…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Abaabulkaan oo dhinacyo badan leh ayaa la sheegay in Banaanbaxyo laga abaabulaayo Waqooyiga Mogadishu, isla markaasna Warbaahinta Radio Shabelle, Universal-Tv, Dalsan Tv iyo tiro Baraha Bulshada loo qeybiyay slogans lagu dhaleyceenaayo Taliska Ciidamada Amisom iyo Dowladda Ugandha, ujeedadacka dambeysana ay tahay sidii Bulshada Soomaaliyeed looga hor keeni lahaa.

Qorshahaan ayaa la sheegay inuu ku lug leeyahay Madaxa Maamulka rayidka (Madeira$ iyo Xafiiska Siyaasada Amisom, iyadoo laga faa’iideysanaayo dhacdadii lagu laayay Dadka Rayidka ah Ee degaanka Golweyn Ee Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo Dowladda Uganda ay sheegtay iney Raali gelin iyo magdhow ka bixineyso falkaasi.

136320cookie-checkVilla Somalia Oo Maalgalineysa Banaanbaxyo Ka Dhan Ah Ciidamada Amisom