Khilaafka S/John & Farmaajo Oo Gaaray Heerkii Ugu Hooseeyay

Somalia news

Kadib Is-hortaagii Kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir Saadiq John iyo xil ka qaadistii laab-la-kaca ku dhisneyd ee Farmaajo ayaa waxaa hadda soo shaac baxaaya in xiisadani loo la’yahay xal, iyadoo Ciidamo kala taageersan labada nin isku horfadhiyaan Degaanka Shirkole….

Ilo Wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo uu diyaarinaayo Qorshe ay Maxkamadi ugu horgeyneyso Taliyaha Boliiska Gobolka Benadir Saadiq John, oo Maalmihii ugu dambeeyay caqabad ku noqday Farmaajo isla markaasna qeybo ka mid ahna Magaalada ka maamula, waxaana la sheegay in Farmaajo uu guddi u saaray oo soo baara eede u badan dilal qorsheysan iyo boob hanti oo lagu soo oogi doono.

Si ay Maxkamadi u soo saarto warqad qabasho, Guddigaan ayaa isugu jira Saraakiil Ciidan (Boliis), NISA iyo Shaqaale ka tirsan Madaxtooyada, guddigaan ayaa la ogeyn Sida loogu kalsoonaan karo. Maxaa yeelay Ninkii (Cabdirashiid Janan) Farmaajo ku heybta ahaa ee lagu eedeeyay inuu xasuuq geystay Ayaa Madaxtooyada dhex joogo, iyadoo la joojiyay dhamaan dacwadihii loo heystay.

Waxaa xaqiiq ah in Eedo loo heysto Farmaajo, Fahad, Kheyre iyo Saadiq John kuwaasoo 4-sano isku aragti ka ahaa Siyaasada amniga intii ay wada shaqeynaayeen waxeyna geysteen gabood falo dhan ka ah Muwaadiniin Soomaaliyeed, ku xadgudub shuruucda iyo Dastuurka Dalka u degsan, waana ayaan darro in loogu gooni yeelo Saadiq John, iyadoo qorshu yahay in la weeraro ama la dilo.

Ololahaan ayaa la sheegay in la doonaayo in lagu cabsi geliyo Saadiq John, iyadoo ujeedada ka dambeysa ayaa lagu sheegay iney tahay inuu joojiyo dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka uu ka wado Degaanka Shiirkole isla markaasna uu xiriirka u jaro Kooxaha Mucaaradka kuwaasoo uu ku dhiiri geliyay iney degaano ka caagan Ciidamada iyo Maamulka Farmaajo ka yigleelaan Waqooyiga Magaalada Mogadishu.

Halkey Saldhigan doontaa Xiisadani, mase laga sal gaari doonaan, maxey kula tahay:-

112740cookie-checkKhilaafka S/John & Farmaajo Oo Gaaray Heerkii Ugu Hooseeyay