Somalia Maxaa Cashar Ka Baratay Xoogaga Hubeysan Ee USA Tababareen

Somalia news

25-tii sano Ee u dambeysa Dalka Somalia waxaa laga aasaasay Ciidamo is barbar socda Oo kuwaasoo la sheegay iney inta badan abaabuleen, maalgeliyeen iyo Hubeeyeen Shaqsiyaad danahooda u adeega, iyagoo marka ugu dambeysana dhibaato ku noqdo Somalia iyo USA…

Dhibaatada ka oogan Magaalada Boosaaso Waxaa sabab u ah Hey’addaha Sirdoonada Mareykanka ( CIA, FBI, U.S. Navy SEALs iyo Shirkado Qandaraslayaal ah), iyagoo qoys gacanta u geliyay Hub, Gadiid dagaal iyo Dhismayaal, waxeyna caqabad ku noqdeen Dowladda degaanka iyo Mareykankaba, kadib markii ay jid iyo jiho diideen in xal laga gaaro Xiisada taagan.

Xoogagaan Hubeysan ayaa noqday kuwo ku milmay loolan siyaasadeed oo gudaha ah, taasoo keentay inay joojiyaan howlgallada ka dhanka ah Islaamiyiinta ee loo dhisay inay la dagaalamaan, Illaa sannadkii hore, 600-askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa si toos ah uga amar-qaata ciidamada Maraykanka, waxayna ahaayeen kuwo ka madax-bannaan gacanta Dowlada degaanka.

Saraakiisha ciidamada iyo kuwa diblomaasiyiinta Mareykanka iyo Somalia ayaa ka walaacsan ismari waaga jira, kaasoo wiiqaya wixii ka dambeeyay Sebtembar, 11 qorshe-Istaraatiijiyad Maraykan ah oo ah qorista ciidamo maxalli ah oo heersare ah si ay ula dagaallamaan kooxaha xagjirka ah ee Afrika, Bariga Dhexe, Koonfurta Aasiya iyo meelo kale oo adduunka ah, ayaa hadda u muuqda kuwo lagu Fashilmay oo isku rogay Hogaamiye kooxeedyo calooshooda u shaqeysta Mareykankiina Dib uga gurtay inuu wax ka xaliyo Dhibaatada uu abuuray.

155600cookie-checkSomalia Maxaa Cashar Ka Baratay Xoogaga Hubeysan Ee USA Tababareen