Ma Dhabaa in Saldhigyo Ciidan ay Egypt ka Dhisaneyso Degaanada Galmudug..

Somalia news

Xog aan la xaqiijin karin ayaa sheegeysa in Heshiis qarsoodi ah oo ay kala saxiixdeen Maamulka Xasan Garguurte iyo Maamulka Qaahira (Egypt), kaasoo salka ku haya sidii Farsiin Ciidan oo Masaaridu leedahay ka dhisi laheyd Gobolada dhexe ee Dalka, kafib markii USA, Israel iyo UAE ka dhisteen Degaanada Puntland…

Wararka ayaa sheegaya in qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah sidii Saldhiig Ciidan oo sidoo kale lagu tababaro Ciidamada Dowladda iyo kuwa Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana lagu wadaan in Sahan Saraakiil ay dhawaan gaari doonaan Degaanada Xaradheere, Hobyo iyo Galinsor.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa habern hore ku qaabilay magaalada Addis abeba Madaxweynaha Maamulka Puntland oo xiligaasi ku sii jeeda magaalada Dubai, waxeyna ka wada hadleen sidii loo joogteyn lahaa xiriirka Ethiopia iyo Maamulka muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ee ka falaagoobay Dowladda Federaalka.

272310cookie-checkMa Dhabaa in Saldhigyo Ciidan ay Egypt ka Dhisaneyso Degaanada Galmudug..