Maxaa Horseeday in Hogaamada Boliiska & NISA ka Gaabiyaan Wax ka Qabashada Qulqulka Shababka ee Mogadishu

Somalia news

Inkastoo Dadaalo iyo Abaabul xoogan oo bilihii ugu dambeeyay ay Laamaha Dowlada Federaalka wadeen, sidii looga xoreyn lahaa Degmooyinka ka tirsan Gobolada Shabeeleda dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug laguna guuleystay in laga saaro Degmooyinkii ugu dambeeyay marka laga reebo Degmada Ceelbuur…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa muujinaaya iney jiraan calaamado muujinaaya suurto galnimada in tiro badan oo Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ay ku soo qulqulaan degmooyinka ka tirsan Caasimada, digniino dhowr ahna laga bixiyay, Khubarada Amaanka ayaa aad uga shakisan Awooda iyo xog uruurinta Hogaamada Boliiska & NISA ee Caasimada kuwaasoo Waxqabadkoodu ku soo koobay Tiro yar oo Tuugo la qabtay iney baahiyaan iskana indha tirsan khataraha maleeshiyaadka ku huursan Caasimada.

Halka Xogaha ay muujinayaan in Degaano badan oo ka tirsan Caasimada ay guryo ka (Kireysteen) degeen tiro badan oo Horjoogayaal ah iyo Maleeshiyaad, iyadoo Hogaanada (Boliiska & NISA) ka gaabiyeen iney si hordhac u sii ogaadaan dhaqdhaqaaqyada Kooxda iyo Shaqsiyaadka u sahlaaya una fudadeeyay iney gabaad KMG ah helaan inta gulufka ka socdo Gobolada Bartamaha Dalka.

237560cookie-checkMaxaa Horseeday in Hogaamada Boliiska & NISA ka Gaabiyaan Wax ka Qabashada Qulqulka Shababka ee Mogadishu