Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xukun fulin rajmi ah (Dhagax ku dil) ay ku dhaqaaqeen Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shabaabka, iyadoo lagu fuliyay Haweeney ay ku eedeeyeen inay ku kacday fal Sino ah, Waxeyna horey guur u soo martay….
Maleeshiyaadka kooxdaan ayaa xukunkaan ku fuliyay goob fagaare ah oo kutaala degaanka Booco ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo boqolaal qof lagu qasbay iney iska xaadiriyeen, si ay u daawadaan xukunka halkaas lagu fulinayay, iyadoo Maxkamad ay kooxdu leedahay oo ka dhisan degaano hoos taga Gobolka Hiiraan ayaa sheegtay in haweenaydan oo lagu magacaabi jiray Gurmad Faarax Afrax ay fal zina ah ku dhacday iyadoo horay guur usoo martay.
Kooxda ayaa sidoo kale 100 karbayaash ku fulisay Qadar Faarax Cabdi oo la sheegay inuu falkaas Sinaada kula kacay Haweenayda larajmiyay, iyadoo u cuskatay in uusan isagu horey wax guur ah usoo marin, kooxda ayaa marar badan sidaas oo kale xukunno dhagax ku dilid ah ka fulisay Degaanada ay maamusho ee Konfurta iyo Bartamaha Dalka.