Madaxii Amaanka Gobolka Benadir ayaa laga hor istaagay inuu galo Garoonka Aadan Cadde 

Somalia news

Madaxii Amaanka Gobolka Benadir ayaa laga hor istaagay inuu galo gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mogadishu, kadib markii Amar ka soo baxay Wasaaradda Amniga, iyadoo Ciidamada Amisom iyo NISA ay fuliyeen dhaqan gelinta amarkaasi…

Horjogahaan oo watay Maleeshiyaad ku heyb ah ayaa ku wajahnaa Magaalada Dhuusa mareeb si uu Magaaladaas uga sameeyo olole & dhoolatus la xiriira dhanka kursiga HOP#147 ayaa loo diiday inuu Garoonka ka dhoofo, wuxuu sheegay inuu eedsiin doono qeybaha hor istaagay safarkiisaa.

Ciidamada Nabad-Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u diiday inuu ka dhoofo Garoonka, waxaana ugu dambeyntii baaqday safarkiisa oo si weyn looga diyaar garoobay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Qorqor ayaa ka dambeeyey go’aanka Cali Yare loogu diiday inuu ugu safro magaaladaasi, Mr.Qorqor oo raba inuu kursiga HOPP#147 siiyo Mahad Salaad ayaa kooxda Farmaajo ka codsaday in la celiyo Cali Yare, isagoo ku andacooday inuu wato ciidamo badan, islamarkaana ay suuragal tahay inuu qalqal geliyo doorashada ka dhici rabta magaalada.

168840cookie-checkMadaxii Amaanka Gobolka Benadir ayaa laga hor istaagay inuu galo Garoonka Aadan Cadde