Rooble Oo Shaacinaaya Guddiyada Doorashada

Somalia news

Waxaa lagu wadaa in Xafiiska Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble uu soo saaro Liiska Guddiyada Doorashada dadban, kadib markii shalay ay soo direen Liiska Guddiyada Doorashada ee Galmudug, inkastoo ay jiraan cabsho laga keenay Guddiyada Doorashada ee cusub….

Ilo Wareedyo ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in aan Weli la xalin cabashada ka taagan Guddiyada Doorashada gaar ahaan kuwa Hir-Shabelle, iyadoo Adeege Fahad Yasin uu soo xushay Laba Xubnood oo beeshiisa ah kuwaasoo bedelay (Cabdinur Maxamed Axmed Madaxtooyada) iyo Kaaliyihiisa (Anas Cabdulcasiis), waxeyna kala yihiin Cali Mataan Xasan iyo Maxamed Xuseen Ceynte, sidoo kale waxaan weli la bedelin Yoonis Xasan Xuseen oo ka tirsan Shaqaalaha Madaxtooyada.

Halka Guddiyada Doorashada Somaliland ka sheegay iney ku jiraan Xubno ka tirsan Madaxtooyada Villa Somalia isla markaasna Shaqaale ka ah Hey’adda Qaxootiga Qaranka, waxaana laga cabsi qabaa in cabashadaan cusub ay dib u dhigi karto in la guda galo Doorashada dadban.

Waxaa marqaati ma doonto ah in Dhinacyada isku haya Doorashada dadban ee Somalia ay isku biro tumanayaan oo qaarkood hub iyo Gaadiid dagaal ay ku doyaarsanayaan degaan Doorashada, talaabadaan ayaa u muuqta mid welwel iyo cabsi leh isla markaasna hubkaasi lagu dhibaateeyo Dadka Degaanka degan.

125250cookie-checkRooble Oo Shaacinaaya Guddiyada Doorashada