Qalalse iyo Is-hortaag Lagu Sameeyay Guddi Doorasho oo Ka Baxay Garoowe

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laga helayaa howl kormeer oo Guddi laga diray Magaalada Garoowe kuwaasoo doonaayay iney la kulmaan Dadka degaanka Reemiti, kalana hadlaan Dardargelinta doorashada iyo Demuqaraadiyada uu hormuudka ka yahay Madaweynaha Puntland…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Guddigaan oo ay wehliyeen tiro yar Ciidamo Boliis ah oo ilaali u ahaa ayaa gaaray degaanka kor ku xusan, waxaana la sheegay in loo diiday iney la kulmaan Dadka degaanka, iyagoo ku eedeeyay Cumar Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirashiid Kidaar iyo ilaalo ay wateen ay mas’uul ka ahaayeen is hortaaga lagu sameeyay.

Wararka ayaa sheegaya in degaano dhowr ah oo hoos yimaada Gobolka Nugaal laga horjoogsaday Guddiyada qabanqaabada Doorashada ee uu Deni wato, waxaana lagu eedeeyay inuusan wax latashi ah ka gelin dhaqan gelinta doorashada Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha degaanka.

221420cookie-checkQalalse iyo Is-hortaag Lagu Sameeyay Guddi Doorasho oo Ka Baxay Garoowe