Kooxihii Loo Adeegsaday Burburka Jubbaland Oo La Shaqo Geliyay

Somalia news

Sida dhaqanka u ahayd Maamulka Farmaajo iyo Kooxaha u Adeega oo mudo ka badan sadax sano ah dagaal wajiyo badan ku hayay Dowlad goboleedka Jubbaland, isla markaasna Soo saaray qoraal aan micno badan ku fadhinin, ayaa Dib u howlgeliyay kooxihii gacan ka siiyay cunaqabateynta iyo go’doon inta Shacbiga ku nool Jubbaland, kuwaas oo ka soo jeeda degaanka….

Kooxdaan ayaa waxaa horseed ka ah, Wasiirka Duulista Hawada ee Dowlada Federaalka, Tiro Xildhibaano ah, kuwaasoo ku sifoobay alaad loo adeegsaday in la isku diro shacabka Jubbaland, lagu burburiyo Dowlad Goboleedka Jubbland.

Farmaajo iy kooxda uu  shaqeeeysto ayaa ugu dambeyntii waxey Soo taabteen darbigii u dambeeyay kaasoo ay ka gudbi waayeen, tani ayaana keentay in iyaga oo aan u aabayeelin kooxdii u adeegaysay ay aqoonsadeen hogaanka rasmiga ah ee Jubbaland, mudane Axmad Maxamed Islam (Axmad Madoobe).

Kooxdii loo adeegsaday burburinta Jubbaland ayaa mar-qura waaga ku baryay, iyaga oo aan marnaba rajo ka qabin in ay jago xildhibaanimo ah ay ka soo qaataan dowlad goboleedka Jubbaland.

Sida ay ilo xogogaal ah u sheegeen Diinah.com news kooxdaan ayaa saacadihii u dambeeyay waxa ay qadka teleefanka ku raadinayeen Madaxweyne Axmad Madoobe iyo Cid kasta oo ka wasteen (dulaali) karta ama kala hadli karta iyaga oo sheeganaya  in  la qaladan  oo la galiyay dagaal beeleed.

Cabdiraxamaan Dheere oo isaga ahaa qofka aan markanaba u turin shacabka iyo hogaanka Jubbaland ayaa maanta iyo shalay ku mashquulsanaa sidii loola hadalsiin lahaa Axmad Madoobe. Cabdiraxmaan Dheere ayaa waxaa lacag u soo dhiibi jiray Fahad Yasin, lacagtaas ayaa sida la xaqiijiyay waxa looga abuuray deegaanka Jubbaland qal-qal siyaasadeed. Waxaa iyadana la xaqiijiyay in  uu isagu mas’uul ka ahaa qaraxii lala beegsaday hoteelo ku yaalo magaalada Kismaayo kaas oo ay ku dhinteen dad Soomaali ah.

41860cookie-checkKooxihii Loo Adeegsaday Burburka Jubbaland Oo La Shaqo Geliyay