Deniga Puntland Oo Safaro Deg Deg ku kala Tagaaya Boosaso iyo Dubai & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa isku diyaarinaaya safar deg deg ah uu ku doonaayo maalmaha soo socda inuu ku tago magaalada Dubai ee Dalka UAE kadib markii dhaqaalo la’aan baahsan uu soo food saaray Maamulkiisa..

Xogo loo qaateen ah ayaa sheegay in Safarka Mr.Deni uu yimid kadib cadaadis dhaqaale iyo mid Kacdoon gudaha ah uu soo food saaray, isagoo ka qaxay Xarunta Madaxtooyada dagayna Xereda Ciidamada 54-aad, ilo wareedyo ayaa xusay in Saraakiisha UAE la sheegay iney hakiyeen dhaqaale labo waji ah oo dhowaan loo balanqaaday Deni, dhaqaalahaan ayuu u adeegsan lahaa meelmarinta damaciisa siyaasadeed ee Muddo kordhinta, Cabsida Dagaal iyo Qabashada doorashooyinka macmal ah.

Safarka UAE ka hor Deni ayaa la sheegay in laga yaabo inuu safar gaaban ku tago magaalada Boosaaso, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono saraakiil ciidan, maamulka Gobolka iyo xubno kale Jufadiisa, Mr.Dani isku diyaarinaya in uu xoog ku meelmariyo doonistiisa la xiriirta qabashada doorasho ama muddo kororsi, taasoo wadajir loo qorsheeyay in la qabto 50-Maalmood kadib markii lagu balamay qabashada Doorashada 8-Jenaayo 2024-ka.

284430cookie-checkDeniga Puntland Oo Safaro Deg Deg ku kala Tagaaya Boosaso iyo Dubai & Sababta..