Shirka Fashilmay iyo Muddo Kororsiga

Somalia news

Maamulka uu Hoggaamiyo Mr. Farmaajo mudadii ay jirtay waxaay jahwareer Siyaasadeed iyo Bulsho ku riday qeybaha kala duwan ee shacabka, iyagoo Gacan ka helaaya Danjiraha Mareykanka iyo Maamulka Addis Abeba, waxeey si joogto u abuurta xasarado siyaasadeed kana dhaxraadiso faa’idooyin Siyaasadeed, Gudoomiyaha BJFS & Raisal Wasaaraha XFS ayaa noqday adeegayaal ku shaqeeya rabitaanka Madaxweynaha sidaasi darted waxaa Halis ku jirta dowladnimada soomaaliyeed oo ku dhaw in ay burburto hadii aan wax laga qaaban arrimaha waaweyn ee horyaalo Dowlada taaso ugu horeyso Doorashooyinka Qaranka….

Qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka , Saamileeda Siyaasada Sida Madaxda Dowlad goboleedyada & Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo waliba Beesha Caalamka waxeey si isku mid culees usaarayeen  Madaxweyne Farmaajo inuu  lahishiiyo saamileeda siyaasada sidii Doorasho la isla ogolyahay waqtigeeda ku dhici laheed lagu hishiin lahaa.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu wajahayaa kalsooni daro waxaana kasoo dhamaatay dhamaan wixii been uu usheegi lahaa Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay soo dhawaatay Doorashada 2020/2021, Sidaasi Darteed Wadahadalka Somaliland & Somalia wuxuu doonayaa inuu ku hagaajisto ololihiisa doorashada shacabkana tuso yididiilo iyo in hadii uu talada dalka markale qabto uu mideyn doono Gobolada waqooyi & koonfur si markale loodhiso Dowlad Somalia oo awood leh taaso ah rajo ay qof kasto soomaali ah qalbigiisa ka guuxeyso.

Dowlada Mareykanka & Ethiopia waxey kamideeysan yihiin Danaha ayka leeyihiin Somalia, waxaana u fulin kara danahaas  kaliya Mr.Farmaajo maadama uu laheyn Damiir wadaniyadeed oo dhab ah balse sheeg sheega inuu yahay wadani. iyadoo shacabka soomaaliyeed ogyihiin labada qadiyadood ee ah  ilaalinta Dadka & Dalka uu ku fashilmay Madaxweyne Farmaajo Haddaba dowladahaas waxeey xooga saareen sidii ay u caawin lahayeen saaxiibadooda MW Ismail Omar geelle & MW Mohamed Abdullahi Farmaajo kuwaasoo wajahayo Xaalado Siyaasadeed wexeey  cadaadis saareen Madaxweyne Muuse Biixi Abdi siduu uga soo qeyb gali lahaa Wadahadalka ka furmaayo Jabuuti  kaasoo udhaxeeyo Somalia & Somaliland.

Isku soo wada duub ujeedada ugu weyn ee Shirkaasi ayaa ahaa sidii loo marin habaabin lahaa Shacbiga Soomaaliyeed, isla markaasna loogu soo jeediyo in muddo kororsi 2-sano ah loo sameeyo Maamulka Fashilmay ee Villa Somalia.

41900cookie-checkShirka Fashilmay iyo Muddo Kororsiga