Kororka Rabshadaha Siyaasada, Kooxaha Cabtoy ah & Argagixisada Salka ku hayo oo Sare uga kacay Somalia…

Somalia news

Dalka Somalia ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa sare u kacay rabshadaha Dhimashada xambaarsan kuwaasoo intooda badan ay geystaan Kooxaha Argagixisada, iyadoo sidoo kale cabsi xoogan laga muujiyay dilalka kooxo Cabtooy ah oo Magaalooyinka Garoowe, Waqooyiga Gaalkacyo ka wadaan kuwaasoo la xaqiijiyay iney khatar ku yihiin Amniga & Xasiloonida Dalka, Ethiopiana qaska qeyb ayeey ka tahay…

Warbixino ayaa daaha ka rogaaya in Dalka ay ka dhaceen 205- Dhacdo oo Rabshado siyaasadeed salka ku haya taasoo horseeday dhimashada 539-Muwaadin, Degaanada ugu badan ayaa la sheegay iney yihiin, Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Mogadishu iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo in ia badan 70-Qof oo isugu jira Shacbi & Boliis ay kooxo Cabtooy ah ku dileen degaanada Puntland, waxaa sidoo kale aad u kordhay weerarada iyo Dilalka qorsheysan ee kooxda Shababka.

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa salka ku haya Boobka Doorashada, iyadoo uu Maamulka Dani ee Puntland lagu eedeeyay in Boob iyo qori caaradiis ku soo baxay Doorashada macmalka ah taasoo xariga ka jartay in Maamulada Gobolada ku dhiiradaan in mudada loo kordhiyay ayna damcaan iney kuraasta ku sii fadhiyaan inta laga gaaraayo doorashada 2026-ka, iyadoo Qalalaasaha Siyaasadeed ay qeyb ka tahay Dowladda Ethiopia oo heshiis Sharci darro ah la saxiixatay Maamulka Waqooyiga haddana xodxodasho ugu jirta iney Maamulada Gobolada taageeraan Qorshahooda guracan.

Talaabooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo aan la tashi Shacbi la gelin ayaa dhiiri gelinaaya in Dalku uu cagta saaray Wado mugdi ah, ku darsoo kororka falalka Amni darro ayaa la xusay iney sare u kaca ku yimid ay sabab u yihiin muranada iyo khilaafyada siyaasadeed, waxaana laga maarmaan ah in xiisadaha la qaboojiyo isla markaasna meel looga soo wada jeesto Dagaalka kooxaha Argagixisada.

323690cookie-checkKororka Rabshadaha Siyaasada, Kooxaha Cabtoy ah & Argagixisada Salka ku hayo oo Sare uga kacay Somalia…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *