Xogo La Xiriira Is-Rasaaseyntii Xabsiga Dhexe

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Shaqaaqadii ka dhacday Xabsiga dhexe ee Muqdisho Qeybta Dembiilayaasha ku xukuman xabsiyada dheer, iyadoo is-rasaaseyntaasi ay qaadatay muddo saacado ah, gaartayna ilaa Casir liiqii….

Warbixintaan ayaa sheegeysa in tacshiirada ayaa Waxaa dhaliyay tiro Maxaabiis ah oo loo Sahlay in gudaha loogu geeyo 2-Bistooladood iyo 6-F-1 Bam-gacmeed, sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo Amni, waxaana lagu qariyay raashin Loo geeyay iyo agab kale, iyadoo sidoo kale laba Qori Oo Ak-47 ah laga qaatay Ilaalada Xabsiga.


Dhimashada iyo Dhaawaca:

Inta la xaqiijiyay 4-maxbuus Iyo 4-Askari ayaa lagu Dilay, iyadoo maxbuus uu baxaaday kaasoo Dilay Darawal mooto Bajaaj agagaarka Xabsiga dhexe, waxaana la sheegay in Xaalada amni ee xabsiga ay caadi ku soo noqotay.

Waana howlgalkii 2-aad oo laga abaabulo gudaha xabsiga, ayna fuliyaan Maxaabiis ka mid aheyd Kooxda Shabaabka, iyagoo qaarkood ay u suurto gasho iney baxaadaan, halka Maamulka Xabsiga iyo Taliskoodaba aan wax talaabo ah laga qaadin.

53360cookie-checkXogo La Xiriira Is-Rasaaseyntii Xabsiga Dhexe