Ku Dhawaaqista Guddiga Doorashooyinka Dowladda & Maamulada Diidan…

Politics Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Hogaanka Dowladda Federaalka ay qorsheynayaan iney ku dhawaaqaan dhismaha Guddiga Dooraahooyinka Qaranka kuwaasoo lagu wado iney hagaan Doorashada Qof iyo cod oo Sanadka soo socda la qaban doono…

Wararka ayaa sheegaya in Guddigaan uu ka koobnaan doono 18-Xubnood oo Heer Federaal ah, kuwaasoo min 4-Xubnood loo qondeeyay 4-Beelood, halka Beesha 5-aad la siinayo labo xubnood, iyadoo 2-Xubnood ka imaanaya Maamul Goboleed kasta waxaa soo magacaabeysa Dowladda Federaalka, halka Maamulada Gobolada la qorsheeyey in labada kale uu soo magacaabo.

Go’aanka kama dambeysta ah ee Dhismaha Guddigaani waxaa iska leh Baarlamaanka Federaalka oo ansixi doona markii lasoo magacaabo, kadibna waxayna ku shaqeyn doonaan Sharciyada Doorashooyinka ee BFS uu ansixiyey, Jubbaland iyo Puntland oo diidan in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ayaan la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon doonto inay soo magacaabaan labo labada xubnood ee Guddiga Doorashooyinka qaranka ay ku yeela doonaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowlada Federaalka ay qorsheyneyso in Shaqsiyaad ka soo jeeda Degaanada Puntland iyo Jubbaland loo xulan doono iney buuxiyaan kaalimaha Xubanaha Guddiga Doorashooyinka kadib markii Maamulada Wakiilada Beesha Daarood ay diideen iney ka mid noqdaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

350880cookie-checkKu Dhawaaqista Guddiga Doorashooyinka Dowladda & Maamulada Diidan…