Kulamada Nairobi Iyo Wada Tashiyada Mucaaradka

Somalia news

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa ku wada sugan inta Badan Hogaamiyayaasha Mucaaradka, kuwaasoo la sheegay iney ka tashanayaan sidii loo mideyn lahaa Muruqa, Maaliyada iyo Maskaxda, looga lana tuuri lahaa Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed la degay…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Hogaamiyeyaasha ku sugan xiligaan Magaalada waxaa ka mid ah Sheekh Shariif Sheekh, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Xasan Cali Kheyre, sidoo kale waxaa halkaas ku sugan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Saciid Cabdullaahi Deni, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Cabdicasiis Lafta-gareen iyo Shatiif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinacyadaan oo qaarkood yeeshay kulamo wada tashi ah ayaa isku soo qaaday xaaladda siyaasadeed Dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo ammaanka. Waxeyna isla meel dhigeen iney dejiyaan qorshe looga hortagayo damaca Mr.Farmaajo iyo Kooxdiisa siyaasadda.

Xubno kamid ah siyaasiinta halkaas ku sugan oo Warsidaha Diinah.com news u warrmay ayaa sheegaya in siyaasiintaan ay marka hore xalinayaan khilaafka dhaxdooda ah,si ay aragti mid ah uga qaateen wax kasta oo keeni kara in doorashada qof ku shubto ama ay dhacdo doorasho aan xalaal aheyn.

65750cookie-checkKulamada Nairobi Iyo Wada Tashiyada Mucaaradka