Maxaa Ka Dhalan kara Heshiiska Is-Afgarad ee Ethiopia & Maamulka Gooni goosadka Somaliland..

Africa News Somalia news

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta hadal u jeedinaya Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo la isugu yeeray kulan aan caadi aheyn, kaasoo salka ku haya markii Ethiopia iyo Maamulka Somaliland kala saxiixdeen heshiis lagu siinayo dhul 20-KM oo Bada cas ah…

Dhibaatooyinka & Ciladaha ku Gedaaman Heshiiska

Khubarabada ku xeel dheer arrimaha Sharciyada Caalamiga ah ayaa isku raacsan in Maamulka Gooni goosadka Somaliland waa Maamul aan la aqoonsanayn oo kuna yaal Geeska Afrika, Caalamkuna u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Somalia, Waxay ku taal xeebta Konfureed ee Gacanka cadmeed, maaha ahan Badda cas, Is-Fahamkaani ma dhaqan gelin karo, maxaa yeelay Somaliland waa qeyb ka mid Dalka Somalia.

Horey ayeey Dowlada Federaalka uga aamustay in Ethiopia saami dhan 19% laga siiyay Dekedda Berbera sanadkii 2017, oo lagu dhisay Canshuurta Shacbiga Soomaaliyeed, Dhaqanka xadgudubka ah ee Maamulka Addis abeba ayaa joogto noqday iyadoo Aamusnaanta daba dheeratay ee Hogaanada Dalka isaga dambeeyay iyo fara gelinta arrimaha gudaha ayaa sahlay iney Ethiopia ku dhiirato fara gelinta joogtada ah arrimaha gudaha ee Somalia.

Ku darsoo hadii Is-Afgaradkaan uu dhaco iyadoo aan oggolaansho laga helin Dowladda Faderaalka oo lagu xad-gudbay Madaxbanaanida & Midnimada dhuleed ee Somalia, waxa ay u badan tahay in wakhti yar uun ka hor uu heshiiskaasi burburo, Dowlada Somalia ay ka fiirsato Xiriirka ay la leedahay Ethiopia go’aan mideysan Baarlamaanka iyo Laamaha Fulinta ka soo saaran.

297750cookie-checkMaxaa Ka Dhalan kara Heshiiska Is-Afgarad ee Ethiopia & Maamulka Gooni goosadka Somaliland..