Sarkaal Jubbaland Ka Tirsan Oo lagu Xanibay Garoonka Muqdishu

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ahaa laga helayaa Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland Abshir Mohamed oo maanta lagu xanibay garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, isagoo ku sii jeeday magaalada Nairobi….

Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ee Muqdisho u tagay shirarkii looga hadlayay doorashada, balse howlo shaqo u sii joogay.

Iyadoo markii hore lagu xanibay Baasaboorka Soomaaliga ee Diblomaasiga oo ku jiray liiska madow (Black List), kana mid ahaa mas’uuliyiinta Jubbaland ee horay Black List-ga loo geliyay baasabooradooda Diblomaasiga intii uu jiray khilaafkii DFS iyo Jubbaland.

Hase ahaatee waxaa uu markii dambe la soo baxay Baasaboor Ajnabi uu watay, inkastoo lagu wargeliyay in arrinta aysan aheyn Baasaboorka kaliya oo Nabadsugida ay heysato, waxaana is mari-waa arrintaas ka dhashay ku soo baxay Wasiiro uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo garoonka ku sugnaa oo arrintaas xalinteeda galay, iyagoo la xiriiray Mas’uuliyiinta hey’adaha dowladda, si Agaasimaha loogu ogolaado safarkiisa, waxaase la fasaxay mar ay diyaaraddii ka tagtay.

65710cookie-checkSarkaal Jubbaland Ka Tirsan Oo lagu Xanibay Garoonka Muqdishu