Kulan 3-Geesood Ah Oo Addis Abeba Ka Furmaaya

Somalia news

Xiliyadii ugu dambeysay ayaa waxey Hogaamiyayaasha Dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Somalia wajahaayeen go’doon Siyaasadeed iyo mid dhaqaale, kadib markii ay dejiyeen qorshe siyaasadeedyo aan la mahdin Kuna aadan ku sii nagaashada Xukunka, kuwaasoo dalalkaasi u horseeday Qalalaase…

Ilo Wareedyo Loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in 4-ta Bishaan Oktobar, ayaa la filayaa in Magaalada Addis abeba lagu qabto xaflad caleemo saarka Ra’iisalwasaaraha Dowladda Ethiopia kadib markii uu ku shubtay Doorashada dalkaasi qeybo ka mid ahi ka dhacday.

Iyadoo sidii kale lagu wado inuu halkaasi ka qabsoomo Kulan 3-geesood ah ( Afewerki, Abi Iyo Farmaajo), Kulankaan ayaa la sheegay inuu soo jeediyay Kaligii taliyaha (Dictator) Eritrea si loo adkeeyo Isbaheysiga oo mudooyinkii ugu dambeeyay dib u dhacyo iyo Godoon Siyaasadeed soo food saaray Shaqsiyaadkaan ku Fashilmay Hogaaminta talada dalalkooda.

143220cookie-checkKulan 3-Geesood Ah Oo Addis Abeba Ka Furmaaya