3-Kursi oo Degaan Doorashadoodu tahay Konfurta Gaalkacyo Oo la Shaaciyay In La Qabanaayo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa in Guddiga doorashada Maamul Goboleedka Galmudug uu xalay shaaciyey jadwalka doorashada kuraasta Hop#038, Hop#069 & HOP#095 oo laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo, iyadoo isku dayo la doonayay in Musharax loo xiro uu fashilmay…

Kursiga Hop#095 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Cabdikariin Khaliif Dhalac oo kamid ahaa Xildhibaanada daacadda u ahaa Farmaajo & Fahad, waxaana hadda u taagan ilaa 7-Musharax oo 6 kamid ah ay yihiin rag, halka kan qofka kale ay tahay dumar, waana Gudoomiyaha Degmada Wardhiigley ee Muqdisho Seynab Xaabsey.

Magaalada konfurta Gaalkacyo waxaa ka socda ololaha loogu jiro kursigaan, waxayna xogta aan heleyno sheegeysaa in Villa Somalia iyo Fahad Yaasiin ay wataan Cabdikariin Khaliif Dhalac & Seynab Xaabsey, halka Xubno ka soo jeeda Beesha iska leh kursigaan ay dadaal ugu jirta sidii ay meesha uga saari lahaayeen shaqsiyaadkaan.

Saddexdaan kursi oo doorashadooda, si weyn indhaha loogu hayo, ayaa kala ah; HOP#038, HOP#069 iyo HOP#095, kuwaasoo Baarlamaankii 10-aad ay kala matalayeen, Axmed Macallin Fiqi, Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa iyo Cabdikariin Khaliif Dhalac.

173900cookie-check3-Kursi oo Degaan Doorashadoodu tahay Konfurta Gaalkacyo Oo la Shaaciyay In La Qabanaayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com