Kulan Ay Yeesheen Odayaasha Iyo Siyaasiyiinta

Somalia news

Waxaa maalmihi la soo dhaafay ka socday magalaada Muqadisho kulamo Wada tashi ah oo ay yeesheen Odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo Siyaasiyiinta beesha Murusade kaasoo looga arinsanayay doorka siyaasada dalka ee Beessha Murusade…

Kulankii ugu dambeeyay oo shalay ka dhacay magalaada Muqdishu ayaa waxa si toos ah looga iclaamniyay in beeshu ay sanadkaan qayb ka noqonayso tartanka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo uga qayb galayo Xasan Cali Kheyre.

Talaabadaan ayaa ahayd mid in mudo ah laga sugaayay in Xasan Cali Kheyre afkiisa ka soo baxado, laakiin ugu dambeyntii, Waxaa go’aankaas uu ka soo baxay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta, waxaana Kulanka laga laga sheegay in Mr.Xasan Kheyre u taagan yahay kurisga Farmaajo.

Talabaada ay beesha qaaday ayaa waxa ay albaabka ka soo xirtay Maxamed Farmaajo , beesha uu ka dhasahay ee Mariixaan, Milkiilaha Farmaajo ee Fahad Yasin oo markii la istcimalay  dhamaantood qashinka lagu tuuray. Mid ka mida odoyaasha dhaqanka Murusade ayaa yiri, “Farmaajo seedi fiican ayuu ahaa, siyaasadana waa na soo galiyay, laakiin hada waa gabal sii dhacayo, anagana, hade  ma ah in uu na  salfado”.

46630cookie-checkKulan Ay Yeesheen Odayaasha Iyo Siyaasiyiinta