Yaa Iska Leh 10-ka Isbaaro ee Baada Lagu Qaado ee Yaala Gobolka Shabeelada Dhexe..

Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga Helayaa 10-Jidgooyo Baad lagu qaado oo 8 ka mid ah ay yihiin Sharci darro ayaa la sheegay iney yaalaan Degaano hoos taga Gobolka Shabeelada Dhexe, Isbaarooyinkaan ayaa mararka qaarkood waxaa ka dhashay Dilal bareer ah oo ay geysanayaan Dableyda ku sugan…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Dadka Socotada ah ee Ka yimida ama u socda Gobolada Mudug, Hiiraan, Galguduud iyo Shabeelada Dhexe lagu dhibaateeyo Isbaarooyinkaasi, iyadoo 2-ka mid ah (Ceel Cadde & Balcad) waxaa Maamusha Wasaarada Maaliyada Hirshabelle.

Iyadoo Wararka qaarkood ay sheegayaan in Barahaan Baadda lagu qaado ay iska leeyihiin Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Maleeshiyo Beeleedyo degaanka ka soo jeeda kuwaasoo ku hubeysan Gaadiid Dagaal isla markaasna dhowr jeer ku dilay Dadka socotada ah ee Wadooyinka mara.

Hadaba, waxaa isweydiin mudan maxaa ka hortaagan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Hirshabelle iney wax ka qabtaan Dhibaatadaan joogtada noqotay, iyadoo baaqyo badan oo loo jeediyay Saraakiisha Ciidamada Dowlada Hogaamisa ay dhegaha ka fureysteen wax ka qabashada jidgooyooyinkaasi.

250060cookie-checkYaa Iska Leh 10-ka Isbaaro ee Baada Lagu Qaado ee Yaala Gobolka Shabeelada Dhexe..