Qiimeynta Baasaboorada Aduunka Sanadkaan

Somalia news

Henley & Partners ayaa soo saartay qiimeyntii ugu horeysay ee 2022, waxayna ku qiimeysay Dalalka Japan iyo Singapore labaduba inay yihiin kuwa ugu sarreeya awooda Passaporada Caalamka, isla markaasna ay heleen 192-dhibcood..

Labadan dal ee ku yaal Aasiya ayaa si vise-free ah ama Dal ku gal markay yimaadaan 192 Dal, inkastaoo taasi aanay xisaabta ku darsanayn dhammaan xannibaadaha safarka ee masiibada socota awgeed.

Germany iyo South Korea labadooduba waxay ku soo xigaan kaalinta labaad oo leh 190. Iyadoo ku xiran sida aad rabto inaad u akhrido qiimeynta, Australia waxay la wadaagtaa booska toddobaad, oo ay weheliso Canada, Czech Republic, Greece iyo Malta.

Tobanka dal ee ugu awoodda badan leh baasabarada caalamka iyo dalalka lagu tegi karo.

1. Japan, Singapore (192 dal)
2. Germany, South Korea (190)
3. Finland, Italy, Luxembourg, Spain (189)
4. Austria, Denmark, France, Netherlands, Sweden (188)
5. Ireland, Portugal (187)
6. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, United Kingdom, United States (186)
7. Australia, Canada, Czech Republic, Greece, Malta (185)
8. Poland, Hungary (183)
9. Lithuania, Slovakia (182)
10. Estonia, Latvia, Slovenia (181)

10-Dal Ee Ugu hooseeya:-

104. North Korea (dal)
105. Nepal and Palestinian territories (37)
106. Somalia (34)
107. Yemen (33)
108. Pakistan (31)
109. Syria (29)
110. Iraq (28)
111. Afghanistan (26)

162120cookie-checkQiimeynta Baasaboorada Aduunka Sanadkaan